GO’AANNO KU SAABSAN URURKA KORITAANKA DUMARKA IYO GUULGAARSIINTA DHALINYARADA.
1.
ULAJEEDADA URURKA.
Ururkaan ula jeedadiisu waa in ay iskuxirnaan u samayso dumarka aalborg barigeeda dagan, gaar ahaan dumarka ajnabiga ah ee kala dhaqan iyo diin kala duwanba leh yimidna Danmark.
Ururkaani waxaa lagu hadli doonaa luqada Danishka.
Ururkaani wuxuu samaynayaa hab caadi ah, waxaana la samaynayaa waxyaalo kala duwan ama xirfad, aqoonkororsi kala duwan.
In la is xushmeeyo la isuna dulqaato ayuu ku hawlgalayaa ururkaani.
Waxyaalaha la qabanayo waxay noqonayaan wax caawinkara dadka ka qaybqaadanaya iyo qoyskoodaba, iyo guud ahaan bulshada.
2.
URURKANI WUXUU KU YAAL AALBORG ØST.
Ururkaani wuxuu ku yaalaa Aalborg øst.
3.
URURKAANI WAXYAALAHA UU QABANAYO QABANAYAA.
Ururkaani wuxuu yeelanayaa hawlo jooto ah oo wiigkastaba la qabanayo ayana kulmayaan dadka meesha ka tirsani. Intaa kadib waxaa la samaynayaa aqoon kororsi ku haboon arimaha bulshada, taasoo uu soo jeedin doono qofka soodiyaariyey mawduuca. Waxaa kaloo kalyantiga ururku helayaan waxbarasho. Ururku wuxuu kaloo samaynaa iskeenidama ururrin hayadaha kale ee bulshada iyadoo la marti qaadi doono marar si aqoon kororsi ay u wada helaanwaxna u wada qabsadaan, waxaana uu kulan waliba yeelanayaa hal ajande.
4.
DADKA KA TIRSAN URURKAAN.
DHAQAALAHA LA BIXINAYO WAXAA LAGU GO’AAMINAYAA SHIKA AMA KULANKA GUUD. dhaqaalahaas waxaa lagu xadidayaa daqliga ururka ee lagu xadayn maayo shaqsiga ururka ka tirsan.
Dumarka ka wayn 18 way kamid noqonkaraan ururkaan caruurtoodana waxay noqon karaan jiilka danbe ama jiilka kuxiga walidiinta. Iyadoo la siinayo aqoonsi dadka waawayn iyo caruurtaba kuna xadaysan/tibaaxan tan waalidka. Qofku wuxuu ururka ka mid yahay markuu bixiyo lacagta ururka, caruurtuse wax shurruud ah kuma xirna.
-
SHIRKA GUUD EE URUKA.
GUDIGA SHIRKU WAA MADAXDA UGU SARAYSA EE URUKAAN.
Shirku wuxuu dhacayaa sanadkasta bishiisa janaayo, waxaana la idiinsoo dirayaa qoraal ugu danbayn 14 maalmood ka hor wakhtiga shirka. Kii wax ku kordhinaya waa inuu qoraal ugu soo gudbiyaa 8 maalmood ka hor, dadka ururka ka tirsani waxay xaq u wada leeyihiin inay codeeyaan. Codayntu waa mid qoraal ah una gaar ah qofka shaqsiga ah kaliya.
Shir degdeg ah ama aan caadi ahayn waxaa isugu yeeri kara gudiga oo kaliya iyo hadii 5 meeloodoo 4 ay qoraal uga codsadaan gudiga inay shir doonayaan.
Waxaana go’aanada codka yeelanaya hadba inta badan.
Waxaana la samaynayaa qoraan shirkasta ama tixraac qoraal.
GO’AAMADA URURKA KOBCINTA DUMARKA IYO GUULGAARSIINTA DHALINYARADA.
Shirka guud waxaa ugu yaraanba looga hadalayaa qodobadan.
*In ladoorto gudomiye iyo qoraa qora hawsha shirka.
*Maamulaha talooyinkiisa/toosintiisa.
*Xasaab xirka.
*In la’isla meeldhigo biilbixinta joogtada ah ee xubnaha.
*In la keeno talooyinka cusub.
*Waxyaabaha la qabandoono ee inagu soo fool leh ”Aktivitetka”.
*Doorasho gudi.
*Doorasho xisaabiye.
*Iyo wixii dheerad ah ee qofdoonayo inuu ka hadlo..
6.
GUDIGA .
Gudigu wuxuu ka koobanyahay 9 qubnood, kuwaasoo sanadwalba shirka guud laga dooranaayo bisha janayo gudiga waxaa la dooranayaa sanad ama labo, waxaana kaloo ladooranayaa labo caawiyeyaal sanad walba, sanooyinka dhabanka ah ama il le’eg sida 2,4,6 iwm waxaa xubnaha ururku dooranayaan 5 kalyanti.sanadaha kisiga ah sida 1,3,5 iwm waxaa la dooranayaa 4 kalyanti.
Gudigu waxay iska sii dhexdooranayaan maamule ama hogaamiye, kuxigeen, maamule dhaqaale iyo xoghayn.
Gudigaa marwaliba mas’uulka ah ururka iyo hawshiisa iyo qalabkiisaba.ururkuna wuxuu xilka sii saartay hogaamiyaha, hogaamiyaha iyo maamulaha dhaqaalaha ayaana wada saxiixaya.
Gudiga iyo hogaamiyaha ururka ayaa hagaya ama ilaalinaya in loo hogaansamo sharciga u yaal wadanka, iyo waliba sharciyada, go’aamada uruku qaataanba.
Gudigu waa go’aan fiicanyihiin marka 4 kaliyanti iyo maamulohooda iyo kuxigeenkiisuba ay wada joogaan.
Arkiifiyaa qoraal ahaan loo galinayaa shirkasta oo gudigu yeesho.
7.
DHAQALAHA AMA DAKHLIGA KHARASHKA.
WAXAA LOO DOORANAYAA XISAABIYE.
Ururka dakhli sanadeedkiisu waa mid taariikh maalmeedka ama sanadkaba la socda oo ku jaango’an,
Xisaabxirka iyo ukuurgalida xisaabxirkuba waa inla meeldhigaa intaanan shirka guud ee sanadku bilaabanin.
Ku noqoshada dakhliga ama xisaabta sandkii waxaa la dooranayaa 2 xisaabiye 2dii sanoba.
Amaba way isbad badalayaan.
Intaa kadibna waxaa la dooranayaa la taageere/talosiiye xisaabiye.
8.
WAXKABADALKA GO’AAMADA.
URURKA GO’AAMADIISA WAXAA WAX LAGA BADALIKARAA OO KALIYA SHIRKA GUUD. WAX KA BADALIDANA WAA IN LA SOO CODSADAA 3 WIIG SHIRKA GUUD KA HOR
. Hadii waxlagabadalayo go’aamada waa in 3 melood 2 ay u codeeyaan taloda cusub. Waxaana warbix la’isisiin karaa markuu jiro shirka guud ee degdega ahwaxaana markaa laga hadi karaa oo kaliya qodobka ama qodobada la doortay, waana inay 5 meelood 4 soo xaadiraan dadka xaqa uleh codaynta say u codeeyaan, warbixintaa iyo dhaqaaluhuba waxay u sii gudbi doonta goobta Kvarterværkstedet i Ålborg øst.
AAS’AASKA GO’AAMADAN WAXAY KA DHASHEEN SHIRKAGUUD EE URURKA
taariikhda………..